Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa qorsheynaya isbedel weyn oo ay ku sameynayaan koobka FA Cup xilli ciyaareedka soo socda.
Sida ay sheegtay The Sun, kulamada ku celiska ah ee FA Cup ayaa la joojin doonaa wixii ka danbeeya wareega seddexaad taasoo qeyb ka ah qorshayaal cusub oo ay dejinayaan xiriirka kubada cagta Ingariiska.
Talaabadaan waxay dhabarjab xoogan ku tahay kooxaha horyaalada heerka hoose kuwaasoo la filayo inay si weyn u mucaaradaan isbedelkaan.
Xilli ciyaareedkii 2018-19 waxaa la mamnuucay kulamada ku celiska ee wareega shanaad, taasoo la micno aheyd in kooxaha yaryar ay fursad ay ku faa’idaan ay u heysteen kaliya wareega seddexaad iyo wareega afaraad.
Kulamada la baahiyo ee wareega 3aad iyo afaraad ee FA Cup, waxay kooxaha ka helaan 44 kun ilaa 55 kun ginni, iyadoo sidoo kale ay boqolkiiba 50 ka helaan lacagta tikidhada garoonka.
Kooxaha yaryar dan weyn ayaa ugu jirtay marka kulan uu barbaro ku dhamaado in mid ku celis ah la ciyaaro madaama ay dhaqaale ka helayaan iyadoo kooxaha waa weyn uu dhaqaalahaas waxba la aheyn.
Go’aankaan ayaa yimid ka mid ah markii 10 kooxood oo Premier League ah ay diideen hindise la doonayay in 900 milyan ginni ay kooxaha Premier League ku caawiyaan kooxaha horyaalada heerka hoose.
Laakiin madaxda horyaalka heerarka hoose ee Football League ayaa la filayaa inay u jawaabaan Premier League iyagoo ka laabanaya qorshihii ay ku doonayeen inay hal lug kaliya ka dhigaan semi-finalka Carabao Cup madaama kooxaha Premier League ay ka cawdeen kulamada tirada badan ee ay ciyaaraan.