Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa hoggaanka u haysa horyaalka Premier League oo ay la wareegtay Sabtidii, iyadoo ka faa’iidaysatay barbarro ay wada galeen labadii kooxood ee ka horreeyey ee Liverpool iyo Manchester City.
Gunners ayaa hadda hoggaanka kali ku ah iyadoo toban ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli-ciyaareedka, waxaana ay soo bandhigayaan awood ay ku muquuniyeen kooxihii ay iska hor yimaaddeen siddeeddii kulan ee ugu dambeeyey oo dhamaantood ay badisay.
Naadiyada ay Arsenal karbaashtay ee ay nus-dersinka goolasha ah ku xaaqday waxa ka mid ahayd Liverpool oo hadda ay dhibcaha isku mid yihiin, laakiin kaga horreysa farqiga goolasha.
Qiimaynta lagu sameeyey horyaalka Premier League ayaa waxa lagu sheegay, in fursadda Gunners ay ku qaadi karayso horyaalka Premier League ay tahay 18.8%, waana mid aad u hoosaysa marka loo eego naadiyada ay xafiiltamayaan, laakiin Supercomputer ayaa saadaal uu sameeyey ku caleemo-saaray kooxda tababare Mikel Arteta.
20 sannadood ayaa laga joogaa markii ay Arsenal ku guuleysatay horyaalkeedii ugu dambeeyey ee Premier League, hadda ayayse fursad aan hore usoo marin haystaan maadaama ay kasoo gudbeen waqtigii imtixaanka ay ku dhici jireen oo ahayd bilaha January iyo February.
Shan arrimood ayaa Arsenal ayaa dhici doona haddii ay Arsenal ku guuleysato horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, waana kuwa sababta u noqonaya inay ku guuleysato horyaalka haddiiba uu nasiibku caawiyo.
Arrinta koowaad ayaa ah inay noqonayso kooxda ugu difaaca wanaagsan ee goolashii ugu tirada yaraa laga dhaliyey intii uu bilaabmay xilli-ciyaareedkan oo dhan, waxaana ay waliba layaab kusii noqdeen intii uu curtay sannadka 2024.
Dhinaca weerarka ayaa waxa sannadkan 2024 ay Arsenal ahayd koox layaableh, waxaanay dhaliyeen 33 gool, halka Liverpool ay dhalisay 26 gool iyo Manchester City oo kaliya 18 gool dhalisay.
Arrinta labaad ayaa ah in tababare Mikel Arteta uu ciyaartoydiisa isku beddelo, gaar ahaan marka ay duruufaha dhaawacyadu ku qasbaan. Waxa kale oo ay tahay kooxda dhibcaha ugu badan ka xoogsatay naadiyada waaweyn xilli-ciyaareedkan, sidoo kalena waxa ay awood ku muuniyeen naadiyadii yaryaraa ee waqtiyadii hore lugaha qaban jiray, waana dhibaato sannadkii hore haleeshay Gunners oo uu Mikel Arteta xalkeeda helay hadda.
Arrinta shanaad ayaa ah in Arsenal ay isku hallayn doonto oo ay ka sugayso inay guusha horyaalka ka caawiso kooxda ay xafiiltamaan ee Tottenham oo ay magaalada London ka wada dhisan yihiin. Tottenham ayaa la ciayari doonta Man City iyo Liverpool, waxaana Gunners ay ka doonaysaa Spurs inay labadoodaba ka qabato.