Kubbad-sameeyaha kooxda kubadda cagta Barcelona ee Frenkie de Jong ayaa xuddun u noqon doona dagaal kooxaha horyaalka waddanka Ingiriisku ay ku kala jiidan doonaan xagaaga soo socda, iyadoo la sheegayo in Barcelona ay doorbidayso inay iibiso sababo la xidhiidha dhaqaalaheeda hoos u dhacay iyo mushaharka aadka u badan ee uu laacibkani ka qaato.
Manchester United ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Frenkie de Jong oo xagaagii 2022 ay labada kooxood mar ka heshiiyeen iibkiisa, laakiin markii dambe uu De Jong iska diiday inuu tago Old Trafford.
Sida uu qoray wargeyska Fichajes ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa waxa uu sheegay, in kooxda reer London ee Chelsea ay si weyn u doonayso Frenkie de Jong, isla markaana ka gudbin doonto dalab €80 milyan oo Euro oo naqad ah.
Tababaraha Chelsea ee Mauricio Pochettino oo ay kooxdiisu kaalinta 11aad kaga jirto horyaalka Premier League ayaa doonaya in De Jong uu khadka dhexe kala ciyaaro Enzo Fernandez iyo Moises Caicedo.
Si kastaba ha ahaatee, De Jong oo hadda dhaawac kaga maqan kooxdiisa ayaa waxa uu xilli-ciyaareedkan u saftay 27 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey laba gool.