Halyeyga Brazil ee Ronaldo Nazario ayaa magacaabay xiddig ka tirsan kooxda Real Madrid oo uu ammaan kula dul-dhacay, kaas oo uu sheegay inuu ku arkay astaamihii iyo tayooyinkii ciyaareed ee halyeyga Faransiiska ee Zinedine Zidane.
ADVERTISEMENT
Ronaldo Nazario iyo Zinedine Zidane ayaa u wada ciyaaray Real Madrid intii u dhaxaysay xagaagii 2002 illaa 2006, markaas oo uu Zidane ka fadhiistay kubadda cagta, halka Ronaldo uu sannad kaddib u wareegay AC Milan ka hor intii aanu dib ugu noqonin waddankiisa Brazil oo uu ciyaaraha kaga fadhiistay.
Qarnigan 21aad ayay xiddigaha ugu wanaagsanaa hormood u yihiin Ronaldo Nazario iyo Zinedine Zidane, waxaana lagu xasuustaa finalkii Koobka Adduunka 1998kii oo ay iskugu soo baxeen, kaas oo uu Zidane laba gool oo madax ahaa u dhaliyey xulka Faransiiska oo koobka qaaday.
Ronaldo Nazario ayaa waxa uu sheegay, in xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Real Madrid iyo xulka England ee Jude Bellingham uu leeyahay astaamo cajiib ah oo uu kaliya hore ugu soo arkay Zidane waqtigii uu halyeyga Faransiisku wacdaraha ka dhigi jiray garoomada.
Ronaldo oo u warramayay wargeyska Daily Mail, ayaa yidhi: “Kulamo yar ayaan garoonka Bernabeu ku daawaday, waxaanan arkay waxa uu samaynayo Bellingham. Waxa uu isoo xasuusiyey Zidane iyo tayadiisii. Waan jecelahay sida uu Jude Bellingham u ciyaaro, waxa aan jecelahay inaan daawado isaga oo ciyaaraya, mar walba kubadda hore ayuu u socodsiiyaa.”
Bellingham ayaa si degdeg ah u saldhigay Real Madrid oo €103 milyan oo Euro kaga soo iibsatay Borussia Dortmund xagaagii tegay, waxaana durba uu ka mid noqday xiddigaha sida weyn uga dhax-muuqda kubadda cagta ee la filayo inay ka mid noqdaan tartameyaasha abaal-marinta Ballon d’Or.
20 jirkan 31 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo uu u saftay Real Madrid waxa uu u dhaliyey 20 gool, halka uu sagaal kalena caawiyey.
Xiddigii hore ee xulka qaranka France, William Gallas ayaa ku booriyay Chelsea inaysan la soo saxiixan xiddiga Liverpool Mohamed Salah...
Mikel Arteta ayaa ku adkeysanaya in Arsenal ay wali halis ka heysato dhanka bidix ee weerarka, iyadoo suurta gal ay...