Xiddiga ka tirsan kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ka cadhooday go’aankii uu qaatay tababaraha kooxdiisa Jurgen Klopp ciyaartii Manchester City ay barbarraha 1-1 ah kula galeen Anfield maalintii Axadda.
John Stones ayaa Manchester City hoggaanka u dhiibay qaybtii hore markaas oo uu dhamaystiray kubbad koorne ahayd oo uu soo tuuray Kevin de Bruyne, laakiin kooxda garoonkeeda la joogay ee Liverpool ayaa heshay rikoodhe markii uu goolhaye Ederson xerada ganaaxa ku riday Darwin Nunez, waxaana rikoodhahaas dhaliyey Alexis Mac Allister.
Luis Diaz ayaa laba fursadood oo dahabi ahaa ka lumiyey wiilasha tababare Klopp isaga oo kubadda ula tegay goolhayaha laakiin awoodi waayey inuu dhaliyo, halka Jeremy Doku oo beddel ugu yimid Man City uu birta garaacay dhamaadkii ciyaarta.
Natiijada barbarraha ahayd waxa ay caawisay Arsenal oo hoggaanka si buuxda ula wareegtay markii ay Sabtidii 2-1 kaga adkaatay Brentford oo marti ugu ahayd Emirates Stadium.
Tababare Klopp ayaa daqiiqaddii 76aad beddelay Darwin Nunez oo cadaadis badan ku hayay Man City, waxaana uu keenay Cody Gakpo, balse markii uu weeraryahanka reer Uruguay arkay iyadoo looga yeedhayo beddelka ayaa waxa layaab ku noqotay in uu isaga noqday shaqsiga la beddelayo.
Pat Nevin oo ahaa falanqeeyaha ciyaarta ee BBC Radio 5 Live, ayaa shaaciyey hadalladii uu Nunez ku yidhi Klopp, waxaanu yidhi: “Nunez waxa uu ku yidhi tababaraha, ‘maxaad dhacay, ma aniga ayaad i beddelaysaa hadda?’
“Waxa ka go’nayd inuu garoonka ku jiro, aadna wuu u fiicnaa ciyaartan.”