Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaaciyey sababta rasmiga ah ee uu kursiga kaydka u dhigay xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah kulanka adag ee ay kooxdiisu garoonka Anfield ku qaabbilayso Manchester City.
Liverpool oo uu dhaawac kaga maqan yahay Ibrahima Konate, ayaa waxa ay jamaahiirteedu la wareereen sababta keentay in Mohamed Salah uu kursiga kaydka ugu soo bilowdo, isaga oo waliba ciyaaray kulankii Europa League ee Sparta Prague ee Khamiistii.
Klopp ayaa garabka midig ee weerarka waxa uu ka ciyaarsiiyey laacibka da’da yar ee Harvey Elliott, halka difaaca dhexena uu Jurgen Klopp kala ciyaarayo Jarell Quansah iyadoo Joe Gomes uu kusoo bilowday difaaca bidix oo labadii ciyaartoy ee iska lahaa booskaas ee Andy Robertson iyo Tsimikas ay labaduba kaydka fadhiyaan, halka difaaca midig uu ka dheelayo Conor Bradley maadaama uu dhaawac yahay Alexis Mac Allister.
Liverpool oo ay ciyaartan dhaawacyo kaga maqan yihiin Alisson Becker, Joel Matip, Trent Alexander-Arnold, Curtis Jones, Ryan Gravenberch, Thiago Alcantara, Diogo Jota, Ben Doak iyo Stefan Bajcetic ayaa waxa sababta uu u fadhiisiyey Mohamed Salah ka hadlay Jurgen Klopp oo yidhi: “Xataa ma aha in aanu ku fikirno inuu kusoo bilowdo ciyaartan. Nasiib-darro ayay ahayd dhaawacii uu dib ugu laabtay.
“Waanu wada-hadalnay Salah, mana ahayn fikraddu inuu kusoo bilowdo ciyaarta maanta, sababtoo ah waa ciyaar adag, laakiin beddel ayaanu ku keeni karnaa.”