5 Ciyaaryahan oo Real Madrid ah oo wajahaya ganaax kahor kulanka Arsenal – Halka Arsenal ay iyaduna heysato ciyaartoy khatar ugu jira ganaax.
Ugu yaraan shaqsiyaad muhiim ah oo ka tirsan Real Madrid ayaa wajahaya khatar ganaax kahor kulanka lugta hore ee wareegga siddeed dhammaadka Champions League ee ay la ciyaarayaan Arsenal.
Ciyaartoyda kala ah:
Vinicius Junior, Luka Modric, Antonio Rudiger, Eduardo Camavinga, Endrick iyo Lucas Vazquez ayaa dhammaantood seegi doona kulanka labaad haddii ay qaataan kaarka jaalaha ah lugta hore.
Sidoo kale, Eder Militao oo isna hal jaale u jira ganaax ayaa ka maqan kulanka sababo la xiriira dhaawac, balse haddii uu soo laabto lugta labaad, weli wuxuu wajihi karaa ganaax haddii uu kaarka helo.
Real Madrid ayaa noqotay kooxda ugu badan ee kaararka jaalaha ah la siiyay tartanka, iyadoo la siiyay 33 kaar kaliya 12 kulan gudahood.
Dhinaca Arsenal, ciyaartoyda Declan Rice, Gabriel Martinelli iyo Jurrien Timber ayaa iyaguna hal jaale u jira ganaax, taas oo micnaheedu yahay in haddii ay qaataan hal jaale kale, ay seegi doonaan lugta labaad ee ka dhici doonta Spain.
Xeerarka Champions League ayaa dhigaya in ciyaartoyda laga ganaaxo hal kulan haddii ay helaan saddex kaar jaale ah inta lagu jiro wareegyada kala baxa.
Dhamaan kaararka jaalaha ah waa la masaxayaa marka la gaaro semi-final-ka, taasoo ciyaartoyda siinaysa fursad nadiif ah si ay ugu qeyb qaataan wareegyada dambe ee tartanka.