Waxaa la shaaciyay shan ciyaartoy oo Manchester United ah oo Ruben Amorim uu iska diri karo si uu u sameeyo isbeddel muhiim ah oo ku saabsan kooxda.
Warbixin ka timid The Mirror ayaa sheegeysa in Amorim uusan ku qanacsaneyn Joshua Zirkzee kadib bilow liita oo uu ku yeeshay Old Trafford.
Weeraryahanka Dutch-ka ah, oo xagaagan uga soo biiray United kooxda Bologna, ayaa gool dhaliyay kulankiisii ugu horreeyay ee Premier League oo uu wajahayay Fulham, balse ma uusan shabaqa gaarin 16-kii kulan ee ugu dambeeyay.
Antony
Tan iyo markii uu £82 milyan kaga soo wareegay Ajax xagaagii 2022, Antony ayaa ku dhibtooday inuu helo daqiiqado joogto ah oo uu kaga ciyaaro kooxda koowaad. Dhab ahaantii, wuxuu inta badan ahaa dooqa labaad ee Alejandro Garnacho iyo Marcus Rashford.
Saraakiisha United ayaa doonaya inay iska diraan Antony, sida lagu sheegay warbixin cusub oo ka timid Daily Star, taas oo soo jeedineysa inay diyaar u yihiin inay amaah ku fasaxaan bisha Janaayo.
Luke Shaw
Bilaha soo socda waxey noqon doonaan kuwo go’aaminaya mustaqbalka Shaw, kaasoo aan u safan United tan iyo bishii Febraayo sababo la xiriira dhaawacyo isdaba joog ah.
Christian Eriksen
Bishii hore, waxaa la sheegay in Amorim uu diyaar u yahay inuu iibiyo afar ciyaaryahan oo “aan loo baahneyn” – waxaana liiskaas ku jiray Eriksen oo khibrad badan leh, oo ay la socdaan Victor Lindelof, Casemiro, iyo Antony.
Eriksen, oo qandaraaskiisu dhammaanayo dhamaadka xilli ciyaareedka, wuxuu ahaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican United xilli ciyaareedkan, balse Amorim ma doonayo inuu u fidiyo qandaraas kordhin 32-jirka khadka dhexe.
Casemiro
Sida kor lagu sheegay, Casemiro ayaa ka mid ah afar ciyaaryahan oo la sheegay in Amorim uusan xiiso u qabin, isagoo isku diyaarinaya inuu isbeddel ku sameeyo Old Trafford.
Sida laga soo xigtay CaughtOffside, tababaraha reer Portugal ayaa u badan inuu Casemiro iyo Eriksen ka dhigo ciyaartoy door yar ka ciyaara kooxda, isagoo isku diyaarinaya inuu dib ula midoobo khadkii dhexe ee hore ee Sporting, Manuel Ugarte.