Liverpool ayaa maanta kusoo laabaneysa ciyaaraha Premier League iyadoo ay Fulham ku soo booqaneyso Anfield. Kooxda uu hoggaamiyo Arne Slot ayaa dooneysa inay sii xoojiso hogaanka horyaalka, halkaasoo ay haatan afar dhibcood ka sarreyso Chelsea oo ku jirta kaalinta labaad.
Si kastaba ha ahaatee, Fulham ma noqon doonto koox si sahlan lagu garaaco, iyadoo ay soo bandhigeen qaab ciyaareed adag oo ay barbaro kula galeen Arsenal toddobaadkii hore. Taasi waxay ka dhigan tahay in Liverpool ay tahay inay ku ciyaarto qaabkeeda ugu fiican si ay uga adkaato kooxda Marco Silva.
Waxaa jira war wanaagsan oo ku saabsan xaaladda dhaawacyada Liverpool, iyadoo ay soo muuqdeen calaamado muujinaya in dhibaatada dhaawacyadu sii yaraaneyso.
Kostas Tsimikas oo gooni ugu tababar qaadanayay kooxdiisa khamiistii ayaa keenay farxad dheeraad ah oo uu ka helay Slot. Daafaca Griigga ah ayaan diyaar u noqon doonin kulanka Fulham, laakiin wuxuu ku dhow yahay inuu si buuxda u soo kabto.
Dhanka kale, Ibrahima Konate iyo Conor Bradley ayaa weli dib uga soo kabanaya dhaawacyadii ay ka qaadeen kulankii Real Madrid, taasoo ka dhigan inay weli qaarkood ka maqan yihiin.
Liverpool sidoo kale waxay weyn doontaa Alexis Mac Allister oo ganaaxan kadib markii la kordhiyay ganaaxiisa, maadaama dib loo dhigay kulankii Merseyside derby. Tyler Morton ayaa isna ku maqnaan doona dhaawac uu ka soo gaaray kulankii Girona kahor safarka.