Manchester United ayaa ka fiirsaneysa inay si lama filaan ah ula soo wareegto weeraryahanka Chelsea Christopher Nkunku, kaasoo aan ku faraxsanayn ka hoos ciyaarista Enzo Maresca. (L’Equipe – France)
Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay lacag badan kula soo saxiixato daafac dhexe hadii kabtanka kooxda Virgil van Dijk aanu qalinka ku duugin heshiis kordhin dhamaadka xili ciyaareedka 2024/25. (Football Insider )
Manchester City ayaa u aqoonsatay ciyaaryahanka Real Madrid Federico Valverde inuu yahay bedelka suurtagalka ah ee Rodri, inkastoo kooxda reer Spain aysan u ogolaan doonin xiddiga reer Uruguay, kaasoo qandaraaskiisa lagu burburin karo 1 bilyan euro inuu baxo(Fichajes – Spain)
Weeraryahanka Cityzens Erling Haaland, oo qandaraaskiisu dhacayo 2027, ayaa Paris Saint-Germain ka dhigtay qorshihiisa ‘B’ xilli ay xiiseynayaan Madrid iyo Barcelona. (Football365)
Barca ayaa ku biirtay tartanka loogu jiro weeraryahanka Sporting CP Viktor Gyokeres, kaasoo la filayo inuu ka tago Portugal dhamaadka xilli ciyaareedkan. Arsenal iyo Bayern Munich ayaa sidoo kale lala xiriirinayay xiddiga reer Sweden. (Ekrem Konur)
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Liverpool Wataru Endo ayaa laga yaabaa inuu ka dhaqaaqdo Reds ka dib markii uu waayay boos joogta ah, AC Milan, Fulham, Wolves iyo Ipswich Town ayaa dhamaantood isha ku haya xiddiga heerka caalami ee dalka Japan. (Caught Offside)
Tottenham Hotspur ayaa la dhacsan qaab ciyaareedka xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina Facundo Buonanotte oo Leicester City amaah kaga yimid Brighton & Hove Albion, laakiin waa inay kula dagaalanto Foxes saxiixiisa joogtada ah. (Fichajes – Spain)
Borussia Dortmund ayaa dooneysa inay lasoo saxiixato xiddiga da’da yar ee Sunderland Jobe Bellingham, walaalkii Jude ayaa ka caawinaya u dhaqaaqista Jarmalka. (The Sun)
Kooxda Paris Saint-Germain ayaa aad ugu rajo weyn in daafaca midig ee Achraf Hakimi uu heshiis cusub u saxiixi doono kooxda, xilli uu heshiiskiisa haatan ku eg yahay 2026. (RMC Sport – France).