Tababaraha kooxda Manchester United Erik ten Hag ayaa markale dhaleecayn kala kulmay qorshe uu ku doonayo in uu daafac bidix kooxdiisa kaga ciyaarsiiyo daafaca waayeelka ah ee Jonny Evans.
United ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay iyada oo aan heysan daafac bidix ee rasmi ah. Diogo Dalot ayaana lagu qasbay inuu buuxiyo booska Tyrell Malacia iyo Luke Shaw oo labaduba dhibaato dhaawacyo ah la kulmay.
Waa dhibaato ay u baahneyd inay United wax ka qabato suuqii kala iibsiga ciyaartoyda, waxaana ay ku guuldareysteen inay keenaan xiddig booskaas ka ciyaari kara.
Ten Hag oo cadaadis dheeri ah saaran yahay haatan waxa uu qiimeynayaa inuu isbedelo muuqdo ku sameeyo kooxdiisa.
Tababaraha Duch-ka ayaa kusoo rogay Manchester United xaalad deg deg ah, isagoo u baahan inuu sameeyo wax walba oo awoodiisa ah si uu dib ugu soo celiyo kooxda wadadii guulaha.
Manchester United oo ku guuldareysatay inay guul gaarto mid ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan waxaa haatan laga wada hadlayaa mustaqbalka ninka reer Holland oo lasiiyay laba kulan oo uu ugu dagaalamo shaqadiisa.
Taageerayaal badan ayaa dalbanaya in isbedel degdeg ah la sameeyo. Iyadoo ay u muuqato in la siin doono dhowr kulan kale tababare Ten Hag.
Ten hag ayaa hadda wada isbedelo cusub si uu kooxda taatikadeeda u bedelo, waxaana lagu wadaa in 36-jirka Jonny Evans uu u isticmaalo daafaca bidix.
Laacibka Waqooyiga Ireland waxa uu ahaa mid fiican waqtigiisii hore ee kooxda, laakiin go’aankii dib loogu soo celiyay kooxda xagaagii hore waxay quus galisay taageerayaasha.
Evans ayaa laga yaabaa inuu daafaca bidix ka ciyaaro kulanka Bretford, taasoo keentay in taageerayaasha Manchester United si weyn u dhaleeceeyaan qorshaha Ten Hag.