Wakiilka Ronald Araújo Oo Ka Hadlay Mustaqbalka Xiddiga Ee Liverpool

Eduardo Crangar, wakiilka Ronald Araújo, ayaa sheegay inay weli xilli hore tahay in laga hadlo mustaqbalka ciyaaryahanka marka uu dhammaado heshiiskiisa amaahda ah ee Liverpool, kaas oo uu kaga yimid Barcelona.

“Ronald si wanaagsan ayuu u ciyaarayaa, aad ayaan ugu faraxsanahay waxa uu kooxda u qabanayo, balse weli waa xilli hore in laga hadlo mustaqbalkiisa,” ayuu Crangar u sheegay Winwin.

Wuxuu intaas ku daray in daafaca reer Uruguay uu ku faraxsan yahay joogitaanka Liverpool iyo inuu caawinayo kooxda iyo saaxiibbadiisa.

“Wuxuu dareemayaa inuu si wanaagsan ula qabsaday, waana ku faraxsan yahay inuu Liverpool u ciyaaro, isla markaana uu kooxda wax ku biiriyo,” ayuu yiri wakiilku.

Liverpool ayaa heshiiska amaahda ku haysata qodob u oggolaanaya inay xagaaga dambe si rasmi ah kula wareegto Araújo, iyadoo qiimaha lagu heshiiyay uu yahay 55 milyan oo euro. Qodobkaasi khasab ma aha.

Weli lama oga inay Liverpool bixin doonto lacagtaas ama ay isku dayi doonto inay Barcelona kala xaajooto qiimo ka hooseeya. Si kastaba, xiddiga reer Uruguay ayaa ilaa hadda muujiyay inuu si wanaagsan ula jaanqaaday kooxda Anfield.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular