Bruno Fernandes Oo Ballanqaad Lama Filaan Ah U Sameeyay Carrick Ka Hor Kulanka Chelsea

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa Michael Carrick u xaqiijiyay inay weli si buuxda uga go’an tahay inuu sii joogo kooxda, iyadoo United ay isku diyaarineyso kulanka ay Chelsea kula ciyaari doonto Stamford Bridge.

Wadahadalladan ayaa yimid xilli cadaadis xooggan uu saaran yahay Carrick, kaddib markii United ay sameysay bilowgii ugu liitay Premier League muddo 40 sano ah.

Sida uu qoray wargeyska The Guardian, Fernandes iyo Carrick ayaa Talaadadii subaxdii kulan gaar ah ku yeeshay xarunta tababarka Carrington, si ay u xalliyaan khilaafkii dhowaan soo kala dhex galay.

32-jirka reer Portugal ayaa la sheegay inuu tababaraha u ballanqaaday inuu diyaar u yahay inuu kooxda ka caawiyo sidii ay xilli ciyaareedkeeda u badbaadin lahayd. Ciyaartoyda kale ayaa sidoo kale kulan la yeeshay Carrick, iyagoo ballanqaaday inay horumarin doonaan qaab ciyaareedkooda.

Fernandes ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto shaxda koowaad kulanka Chelsea, kaddib markii uu kursiga keydka ku bilowday guuldarradii Axaddii ka soo gaartay Bournemouth.

Dhanka kale, Carrick ayaa la sheegay in la siiyay waqti ilaa fasaxa ciyaaraha xulalka ee bisha November si uu xaaladda kooxda u hagaajiyo. Eddie Howe, Antonio Conte iyo Julian Nagelsmann ayaa ka mid ah tababarayaasha loo arko beddelkiisa haddii xaaladdu sii xumaato.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular