Thierry Henry Oo Magacaabay Kooxda Ugu Cadcad Ku Guuleysiga Tartanka Champions League Sannadkan

Halyeeygii xulka Faransiiska, Thierry Henry, ayaa aaminsan in Paris Saint-Germain ay sii xoojisay sheegashadeeda ku aaddan hanashada Champions League, kaddib bandhigyadii wacnaa ee ay ka sameysay kulamadii Manchester City iyo Barcelona.

Henry ayaa ka digay in xilligan la sameeyo saadaal kama dambays ah, maadaama tartanku weli socdo, dhaawacyaduna saameyn ku yeelan karaan kooxaha.

Isagoo qoraalkiisa gaarka ah ku qoray barta Betway, Henry wuxuu xusay in ciyaartoy ay ka mid yihiin Khvicha Kvaratskhelia, Marquinhos, Ousmane Dembélé, Dani Olmo iyo Bukayo Saka ay dhaawacyo kala kulmeen kulamadii la ciyaaray.

Wuxuu sidoo kale sheegay in jadwalka kulamada iyo isku-aadka wareegyada dambe ay door weyn ka ciyaari doonaan sida tartanku u dhammaado.

Si kastaba ha ahaatee, Henry wuxuu si gaar ah u ammaanay awoodda PSG ay u leedahay inay soo bandhigto ciyaar heer sare ah marka cadaadisku bato.

“Marka ay arrimuhu muhiim noqdaan, PSG waxay heshaa waddo ay farriinteeda ku gudbiso. Qof walba, anigaba aan ku jiro, wuxuu sheegayay in Barcelona ay u muuqato koox cabsi leh. Laakiin kulamadii Manchester City iyo Barcelona, PSG waxay labada kooxoodba tustay inay weli yihiin kooxda ugu fiican waqtigan,” ayuu yiri Henry.

Aragtida Henry ayaa muujinaysa kalsoonida uu ku qabo PSG, inkastoo uu qiray in wax badan isbeddeli karaan inta tartanku socdo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular