Rio Ngumoha Oo Farriin Adag U Diray Arsenal Ka Hor Kulanka Liverpool

Da’yarka Liverpool, Rio Ngumoha, ayaa aaminsan in kooxdiisu ay muujisay inay isku dari karto kubbad qurux badan iyo natiijooyin wanaagsan, kaddib markii ay badisay shantii kulan ee ugu dambeeyay.

Liverpool ayaa Arbacadii u soo gudubtay wareegga siddeedda ee Carabao Cup, kaddib markii ay rigoorayaal 6-5 kaga adkaatay Chelsea, iyadoo waqtigii ciyaarta lagu kala nastay barbarro 1-1 ah. Waxay wareegga xiga garoonkeeda ku soo dhaweyn doontaa Bournemouth.

“Wiilashu aad bay u faraxsanaayeen. Waxaan u maleynayaa inay ahayd ciyaar wanaagsan. Si fiican ayaan u ciyaarnay, waan dadaalnay, waxaana helnay natiijo fiican,” ayuu Ngumoha u sheegay Sky Sports.

18-jirkan ayaa sheegay in kalsoonida kooxdu ay sarreyso, balse uu ka digay inaysan is-dhigan ka hor kulanka muhiimka ah ee Axadda ay Arsenal la ciyaarayaan.

“Ciyaar kasta waxaan galnaa annagoo og inaan taageerayaasha u soo bandhigi karno kubbad xiiso leh, isla markaana aan la hoyan karno karno saddexda dhibcood,” ayuu yiri.

Ngumoha ayaa sidoo kale ammaanay shaqaalaha tababarka, isagoo ku bogaadiyay kalsoonida ay siiyaan ciyaartoyda da’da yar, oo ay ku jiraan Trey Nyoni, Lewis Koumas iyo James McConnell.

Kulankii Chelsea wuxuu ahaa markii lixaad ee Ngumoha uu ku soo bilowdo shaxda tababare Andoni Iraola. Isbeddelladii badnaa ee Iraola sameeyay ayaa muujiyay qoto-dheeraanta xulka Liverpool.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular