Rayan Aït-Nouri Oo Doonaya Inuu Ku Biiro Koox Manchester City Ay Aad U Xifaaltamaan

Daafaca garabka uga ciyaara Manchester City, Rayan Aït-Nouri, ayaa lagu soo warramayaa inuu diyaar u yahay inuu Janaayo ku biiro kooxda ay xafiiltamaan ee Manchester United, iyadoo City ay qiime ahaan u dejisay £30 milyan.

Aït-Nouri ayaa Manchester City kaga soo biiray Wolves xagaagii 2025, balse xilli ciyaareedkii hore wuxuu Premier League u saftay 17 kulan oo keliya. Xaaladdiisu wax badan iskama beddelin tan iyo markii Enzo Maresca uu kooxda hoggaanka u qabtay.

Maresca ayaa booska daafaca bidix ka doorbiday Josko Gvardiol iyo Nico O’Reilly, halka Aït-Nouri uu tartamada oo dhan ciyaaray 168 daqiiqo oo keliya.

“Waa daafac buuxa, laakiin booskaas waxaa jooga Gvardiol oo si fiican u ciyaara, sidoo kalena O’Reilly marka uu taam yahay,” ayuu Maresca yiri.

Sida laga soo xigtay TEAMtalk, agaasimaha ciyaaraha City, Hugo Viana, ayaa doonaya in la xalliyo mustaqbalka xiddiga reer Algeria ka hor suuqa Janaayo.

Manchester United ayaa hore ugu guuldarreysatay inay amaah ku keento maalintii ugu dambeysay ee suuqa kala iibsiga. Hadda waxay raadineysaa daafac bidix, kaddib dhaawaca Luke Shaw.

City waxay Aït-Nouri ku fasixi kartaa £30 milyan ama amaah ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka, iyadoo heshiiska amaahda lagu dari doono qodob khasab ka dhigaya iibkiisa joogtada ah.

Haddii uu United ku biiro, wuxuu noqon doonaa ciyaaryahankii ugu horreeyay tan iyo Owen Hargreaves sannadkii 2011 ee si toos ah Manchester City uga wareega una dhaqaaqa Old Trafford.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular