Michael Carrick Oo Go’aan Ka Gaaray Kabtan-nimada Bruno Fernandes.

Tababaraha Manchester United, Michael Carrick, ayaa xaqiijiyay inuusan qorsheyneyn inuu Bruno Fernandes ka qaado kabtannimada kooxda, inkastoo xiddiga reer Portugal uu si fagaare ah u dhaleeceeyay xeeladihiisa.

“Waxaa si buuxda uga go’an inuu wax u qabto kooxdan, wuxuuna doonayaa inuu wax walba hagaajiyo. Taasi waxba igama beddelayso,” ayuu Carrick ka sheegay shirkiisa jaraa’id.

Wuxuu intaas ku daray in Fernandes uu muddo dheer hoggaaminayay kooxda, isla markaana uu sii wadan doono doorkiisa kabtannimo.

“Waa ciyaaryahan si wanaagsan kooxda u hoggaamiyay kulamo badan iyo sannado badan, wuuna sii wadi doonaa,” ayuu yiri tababaraha United.

Horraantii toddobaadkan, waxaa la sheegay in Carrick iyo Fernandes ay yeesheen kulan gaar ah oo ay ku xallinayeen khilaafkooda, si ay uga gudbaan hadalladii dhex maray.

Fernandes ayaa la sheegay inuu tababaraha u xaqiijiyay inuu doonayo inuu wax ka beddelo xaaladda kooxda inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Sida wararku sheegayaan, kabtanka United ayaa hadda la filayaa inuu garoonka ku soo laabto kulanka ay Sabtida la ciyaarayaan Chelsea.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular