Manchester United Oo Farta Loogu Fiiqay Weeraryahanka Badbaadin Kara Xilli Ciyaareed Kaan

Manchester United ayaa lagula taliyay inay isku daydo saxiixa weeraryahanka Galatasaray, Victor Osimhen, si ay u xalliso dhibaatooyinka dhanka weerarka ah ee kooxda.

Weeraryahankii hore ee Liverpool, Djibril Cissé, ayaa aaminsan in xiddiga reer Nigeria uu ku habboon yahay Manchester United, isla markaana uu leeyahay awoodda weerar ay kooxdiisa ka maqan.

“Victor Osimhen wuxuu leeyahay qaab ciyaareed ku habboon inuu ka ciyaaro England. Waxaan u maleynayaa inuu ku habboonaan karo Manchester United, waxaana aaminsanahay inay hore u jireen xiise ku aaddan saxiixiisa bilowgii sanadkan ama sannadkii hore,” ayuu Cissé u sheegay Mr Gamble.

Osimhen ayaa qaab ciyaareed wanaagsan ku jira, isagoo dhaliyay sagaal gool sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee uu Galatasaray u saftay tartamada oo dhan. Goolashiisa waxaa ka mid ahaa laba uu ka dhaliyay Fenerbahçe.

Weeraryahanka ayaa sidoo kale ku guuleystay horyaallada gudaha ee Turkiga iyo Talyaaniga.

Dhanka kale, weeraryahanka Manchester United ee Benjamin Šeško ayaa ku dhibtooday inuu muujiyo saameyntii laga filayay, iyadoo dhaawacyo ay caqabad ku noqdeen.

Xaaladdaas ayaa sii kordhisay su’aalaha laga qabo awoodda weerarka United, waxaana Osimhen loo arkaa ciyaaryahan wax ka tari kara dhibaatooyinkaas haddii ay kooxda u dhaqaaqdo saxiixiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular