Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa la sheegay inuu go’aansaday inuu sii joogo kooxda, kaddib wadahadallo uu Talaadadii la yeeshay tababare Michael Carrick.
Fernandes ayaa dhaleeceyn kala kulmay taageerayaasha United kaddib markii uu su’aal geliyay xeeladaha Carrick, kaddib guuldarradii 4-1 ahayd ee Como uga adkaatay Champions League. Intaas kaddib, waxa uu kursiga keydka ku qaatay kulankii Bournemouth oo United looga badiyay 3-0.
Wadahadallada labada dhinac ayaa yimid iyadoo mustaqbalka Carrick la hadal hayay, balse kooxda ay xaqiijisay inuu hoggaamin doono kulanka Chelsea ee Sabtida.
Sida uu qoray wargeyska The Guardian, Fernandes oo 32 jir ah ayaa Carrick u xaqiijiyay inay si buuxda uga go’an tahay inuu kasii mid ahaado Manchester United, isla markaana uu doonayo inuu wax ka beddelo xaaladda kooxda.
Fernandes heshiiskiisa hadda wuxuu dhacayaa Juun 2027, laakiin United ayaa awood u leh inay hal sano oo dheeraad ah ku kordhiso. Qorshaha INEOS ayaa la sheegay inuu yahay inay adeegsadaan qodobkaas.
Si kastaba, xiddigii hore ee United Ashley Young ayaa dhaleeceeyay hab-dhaqanka Fernandes, isagoo ku tilmaamay mid danayste ah, isla markaana sheegay inuusan si habboon u muujin hoggaamiye-nimada laga filayo kabtanka.
Fernandes ayaa la filayaa inuu dib ugu soo laabto safka hore kulanka Chelsea, iyadoo United ay doonayso inay aragto jawaab wanaagsan oo kaga timaadda kabtankeeda.