Barcelona Oo Go’aan Ka Gaartay Xoojinta Daafaceeda, 4 Magac Oo Miiska Saaran

Barcelona ayaa billowday qorshe ay ku xoojinayso daafaceeda suuqa kala iibsiga ee Janaayo, kaddib guuldarrooyinkii Paris Saint-Germain iyo Real Madrid oo muujiyay baahida ay u qabto daafac dhexe oo khibrad leh.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay in maamulka kooxda uu doonayo inuu wax ka qabto dhibaatooyinka daafaca, maadaama miisaaniyaddu aysan u saamixin inay xagaagii sii xoojiyaan qaybtaas.

Josko Gvardiol oo u ciyaara Manchester City ayaa hoggaaminaya liiska xiddigaha ay Barcelona xiisaynayso. Si kastaba, heshiiskiisa oo soconaya ilaa 2031 ayaa ka dhigaya saxiixiisa mid adag.

Barcelona ayaa sidoo kale la dhacsan Alessandro Bastoni oo Inter Milan ka tirsan, balse qandaraaskiisa ilaa Juun 2028 iyo adkaanta heshiis la gaarayo bartamaha xilli ciyaareedka ayaa caqabad ku ah.

Dhanka kale, saxiixa Lisandro Martínez oo Manchester United u ciyaara iyo Natan oo ka tirsan Real Betis ayaa la rumeysan yahay inay ka macquulsan yihiin labada kale. Qandaraaska Martínez wuxuu dhacayaa Juun 2027, halka qiimaha Natan lagu qiyaasay 30 milyan oo euro, marka laga reebo gunnooyin dheeraad ah.

Wargeysku wuxuu intaas ku daray in awoodda Barcelona ee dhammeystirka heshiisyadan ay ku xirnaan doonto ciyaartoyda ay iibiso iyo lacagta ay ka hesho.

Kooxdu waxay doonaysaa daafac diyaar u ah inuu isla markiiba saameyn ku yeesho qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular