Wayne Rooney Oo Magacaabay 3 Ciyaaryahan Oo Aan Manchester United Gaarsiin Karin Heerka Kooxda Laga Doonayo

Halyeeyga Manchester United, Wayne Rooney, ayaa sheegay in Benjamin Šeško, Bryan Mbeumo iyo Matheus Cunha aysan ku filnayn inay kooxda u horseedaan guulo waaweyn.

Manchester United ayaa saddexdan weeraryahan la soo saxiixatay xagaagii 2025, iyadoo doonaysay inay xoojiso weerarkeeda. Hase yeeshee, Rooney ayaa aaminsan in kooxda ay ku khaldan tahay inay u aragto ciyaartoydan kuwo ku guuleysiin kara koobab xilli ciyaareedkan.

“Waa dad xaqiiqada ka fog haddii ay u maleynayaan in saddexda weeraryahan ee ay keensadeen ay ku filan yihiin. Kuma filna,” ayuu Rooney u sheegay barnaamijka Stick To United.

Wuxuu intaas ku daray in ciyaartoyda ay Manchester United ka soo qaadatay Wolves iyo Brentford aysan weli kooxda gaarsiin karin heer ay ugu tartami karto horyaalka.

“Kooxdu waxay ciyaartoy ka soo qaadanaysaa Wolves iyo Brentford. Kooxdu aad ayay uga fog tahay inay noqoto horyaal,” ayuu yiri Rooney.

Manchester United ayaa xilli ciyaareedkan Premier League ku bilaabatay natiijooyin liita, iyadoo siddeeddii kulan ee ugu horreeyay hal guul oo keliya gaartay, taasoo ku dhoweysay aagga kooxaha u dhacaya heerka labaad.

Kooxda uu hoggaamiyo Michael Carrick ayaa dhammaadka toddobaadkan Stamford Bridge kula ciyaari doonta Chelsea kulan ka tirsan Premier League.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular