Chelsea Oo Saddex Shuruudood Ku Xirtay Amaahda Estêvão Ee Paris Saint-Germain

Chelsea ayaa diyaar u ah inay xiddigeeda reer Brazil, Estêvão, amaah ugu dirto Paris Saint-Germain bisha Janaayo, balse waxay ku xirtay saddex shuruudood, sida ay sheegtay warbaahinta TEAMtalk.

Estêvão ayaa la sheegay inuu ka niyad-jabsan yahay fursadaha ciyaareed ee uu helayo xilli ciyaareedkan, maadaama uusan weli hal kulan ku bilaaban Premier League. PSG ayaa dhankeeda doonaysa inay xoojiso weerarkeeda kadib dhaawaca halista ah ee Khvicha Kvaratskhelia, kaasoo xilli ciyaareedka intiisa kale garoomada ka maqnaan doona.

Chelsea waxay PSG ku wargelisay in heshiiska amaahdu buuxiyo saddexdan shuruudood:

– Amaah lix bilood ah: Heshiisku waa inuu ku ekaadaa lix bilood, iyadoo aan lagu darin qodob iib joogto ah oo khasab ah ama ikhtiyaari ah.

– Mushaarka oo dhan: PSG waa inay bixisaa mushaarka buuxa ee Estêvão muddada amaahda.

– Waqti ciyaareed ku filan: PSG waa inay dammaanad qaaddaa in ciyaaryahanku heli doono fursado ku filan oo uu ku ciyaaro.

Chelsea weli waxay kalsooni weyn ku qabtaa mustaqbalka Estêvão, mana doonayso inay amaah ku bixiso haddii uusan PSG ka helin fursado ciyaareed oo wanaagsan.

Si kastaba, PSG waxaa weerarka uga ciyaara xiddigo ay ka mid yihiin Ousmane Dembélé, Désiré Doué iyo Akliouche, taasoo tartanka boosaska ka dhigaysa mid adag.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular