20 sanno oo ay xanuunsanayeen marnaba ma aysan joojinin riyadooda, laakiin haatan taageerayaasha Arsenal ayaa aaminsan in kooxdooda ay qarka u saaran tahay inay ku guuleysato horyaalkoodii ugu horeysay tan iyo 2004tii.
Iyadoo 12 kulan ay ka harsan tahay xilli ciyaareedka, Gunners ayaa xasuuq u geysaneysa kooxaha ka hor imaanaya iyagoo si baashaal ah goolasha u dhalinaya, mana aysan dhicin in bilowga sannadka ay lix kulan oo xiriir ah badiyaan.
Kaliya labo dhibcood ayaa kala saarta seddexda kooxood ee ugu sareysa Premier League, waxaa sidoo kale xusid mudan in Arsenal ay farqiga goolasha ka fiican tahay Liverpool iyo Manchester City taasoo muhiim noqon doonta haddii seddexda kooxood ay isku sii dhawaadaan.
XIDDIGA GAROONKA: BUKAYO SAKA (ARSENAL)
Hal abuure, dhameystire iyo u heelanaan, Saka ayaa ahaa wadnaha weerarka Arsenal kulankii ay 4-1 ku xasuuqeen Newcastle isagoo shabaqa soo taabtay islamarkaana gacan ka geystay goolasha kale.
Wuxuu dhaliyay goolkii seddexaad ee kooxdiisa taasoo ka dhigeysa inuu shabaqa soo taabtay shan kulan oo isku xigta oo Premier League ah. Sannadkan 2024 wuxuu dhaliyay todoba gool oo Premier League ah in ka badan inta uu dhaliyay ciyaaryahan kale.
QIIMEYNTA CIYAARTOYDA
Arsenal: Raya 7, White 8, Saliba 8, Gabriel 8, Kiwior 8, Odegaard 7, Rice 8, Jorginho 8, Havertz 7, Saka 9, Martinelli 7
Bedel: Smith Rowe 6, Nketiah 6, Trossard 6, Elneny 6
Newcastle Utd: Karius 8,Trippier 5, Schar 5, Botman 5, Livramento 5, Longstaff 5, Guimaraes 5, Miley 5, Gordon 6, Almiron 5, Isak 6
Bedel: Barnes 6, Willock 7, Burn 7, Lascelles 6, Murphy 6