Weeraryahankii hore ee Arsenal iyo Man Utd Alexis Sanchez ayaa dib ugu laabtay kooxdiisi hore.
Sanchez ayaa 13 sano kadib la modoobay kooxda reer Talyaani ee Udinese.
Hadda waa 35 jir, Sanchez waxa uu Inter u ciyaaray 33 jeer tartammada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, isagoo u dhaliyay afar gool, kooxdana ka caawiyay inay ku guuleysato horyaalka Seria A, ka hor inta uusan ka tegin dhamaadka qandaraaskiisa.
Taasi waxay timid ka dib sannad guul ah oo uu ku qaatay kooxda Faransiiska ee Marseille oo uu kaga soo biiray Inter , isagoo dhaliyay 18 gool 44 kulan oo tartamada oo dhan ah.
Sanchez ayaa markii ugu dambeysay u ciyaaray Udinese intii u dhaxeysay 2006 iyo 2011, isagoo u dhaliyay 21 gool 112 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxaana uu dib ugu biiray kooxda isagoo saxiixay heshiis labo sano ah.
Udinese ayaa badisay kaliya lix ka mid ah 38 kulan oo ay ciyaartay Serie A xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxay soo qaadatay 19 barbaro taasoo ka caawisay inay ku dhameystaan kaalinta 15aad.