Kooxaha ugu ciyaartoyda qaalisan kubada cagta oo sanad kasta oo kooxuhu saxiixyo cusub sameeyaan qiimeyn lagu sameeyo ayaa lasoo saaray liiska 10-ka kooxood ee ugu qaalisan wakhti-xaadirkan kubada cagta, qiimeyntan oo ay samaysay CIES Football Observatory.
Real Madrid ayaa noqotay kooxda ugu safka qaalisan kubada cagta(£1.45bn), iyada oo ay kor u kacan sababeen qiimaha ciyaartoyda Jude Bellingham iyo Kylian Mbappe.
Kooxda tababare Guardiola Man City ayaa ah kooxda labaad ee ugu ciyaartoyda qaalisan kubada cagta(£1.23bn)
United ayaa iyadu weli ku jirta liiska 10-ka ugu safka qaalisan, iyago kaso muuqday kaalinta 8aad, saf ku fadhiya qiime ahaan(£828m)
Kooxda Chelsea ayaa iyagu liiskan kasoo muuqday kaalinta 3aad, taas oo sheegaysa in keliya Real Madrid iyo Man City ay yihiin kooxaha ka safka qaalisan kooxda Chelsea, Chelsea ayaa lagu qiimeyay(£1.16bn)
Kooxda Arsenal ayaa iyadu liiskan kaga jirta kaalinta 4aad(£1.03bn) ,halka kooxda Barcelona ay ku jirto kaalinta 5aad, laguna qiimeyay safkeeda(£941m).
Liiska 10-ka kooxood ee ugu qiimaha qaalisan kubada cagta oo dhamaystiran:
Top 10 squads by value
According to the CIES Football Observatory
1) Real Madrid – £1.45billion
2) Man City – £1.23bn
3) Chelsea – £1.16bn
4) Arsenal – £1.03bn
5) Barcelona – £941million
6) Liverpool – £920m
7) Paris Saint-Germain – £911m
8) Man United – £828m
9) Tottenham – £742m
10) Bayer Leverkusen – £722m