Zinedine Zidane Oo Shaaciyay Kooxda Uu Jeclaan Lahaa Inuu Mar Un Mustaqbalka Hoggaamiyo

Tababaraha xulka qaranka Faransiiska, Zinedine Zidane, ayaa sheegay inuu aad ugu farxi lahaa inuu mustaqbalka dhow noqdo tababaraha kooxda Juventus.

Zidane ayaa hadalkan ka sheegay shirkiisa jaraa’id ee ka hor kulanka uu xulka Faransiisku Khamiista la ciyaarayo xulka Talyaaniga tartanka Nations League.

“Waan ku farxi lahaa inaan maalin uun noqdo tababaraha Juventus, haa, waan jeclaan lahaa arrintaas,” ayuu yiri Zidane sida uu soo xigtay wariye Fabrizio Romano.

Macallinkan ayaa hadalkiisa sii raaciyay: “Laakiin ma jiro qof og waxa ka dhici kara kubadda cagta.”

Zidane ayaa waayihiisii ciyaaryahannimo u soo ciyaaray kooxda Juventus, halkaas oo uu ku soo qaatay waqti guulo badan leh. Ka hor inta uusan qaban shaqada cusub ee xulka qaranka Faransiiska, macallinkan 54 jirka ah ayaa soo leyliyay kooxda Real Madrid, isagoo u qaaday saddex koob oo UEFA Champions League ah iyo laba horyaal oo La Liga ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular