Yaa Ka Dambeeya Hoos U Dhaca Man United? Bruno Fernandes Oo Farta Ku Fiiqay Arrimo Ka Baxsan Qolka Labiska!

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa qirtay in dhibaatooyinka kooxda aysan ku koobnayn ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka, balse ay jiraan arrimo kale oo saameyn ku leh natiijooyinka iyo qaab ciyaareedka kooxda.

Hadalka Fernandes ayaa yimid kadib markii United ay Talaadadii guul 3-2 ah ka gaartay AS Roma, kulan ka tirsanaa Champions League oo ka dhacay Old Trafford. Matheus Cunha ayaa laba gool dhaliyay, halka Fernandes uu rigoore u beddelay gool.

Si kastaba ha ahaatee, xiddiga reer Portugal ayaa sheegay in hal guul aysan xallin karin dhibaatooyinka muddada dheer kooxda heystay.

“Hal dhibaato oo keliya ma jirto, waxaa jira dhowr arrimood oo u baahan in la hagaajiyo, iyo waxyaabo badan oo ay tahay inaan si ka duwan u sameyno.

“Nasiib darro, xaaladdani muddo dheer ayay socotay, taasoo arrimaha sii adkeyneysa. Qofna kooxdan uguma soo biiro inuu guuldarreysto. Qof walba wuxuu aaminsan yahay inuu u ciyaarayo wax ka weyn naftiisa.

“Sanadihii ugu dambeeyay arrintaasi sidaas ma noqon. Waxaa jiray waqtiyo adag, waxaana nagu adkaatay inaan gaarno boosaska iyo koobabka aan hiigsaneyno,” ayuu yiri Fernandes.

Markii la weydiiyay waxa sababay qaab ciyaareedkii liitay kulamadii u dambeeyay, Fernandes wuxuu tilmaamay kalsooni darro iyo saameynta maskaxeed ee natiijooyinka xun.

“Waa arrin kalsooni la xiriirta. Waxaa jira arrimo badan oo ka baxsan qolka labiska, ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka, kuwaas oo saameeya waxqabadka kooxda. Natiijooyinka xun waxay maskax ahaan dhaawacaan ciyaartoyda, gaar ahaan marka ay awoodi waayaan inay kooxda siiyaan waxa ay aaminsan yihiin inay awoodaan,” ayuu raaciyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular