Yaa Iibsanaya Manchester United Haddii Qoyska Glazers Go’aansadaan Inay Iska Gadaan?

Kooxda Manchester United ayaa mar kale la dhibtooneysa xaalad qalalaase ah iyadoo fadhida kaalinta 18-aad ee Premier League. Cadhada taageerayaasha ee ka dhanka ah qoyska Glazers iyo shirkadda INEOS ayaa cirka isku shareertay, taas oo soo celisay wararka sheegaya in kooxda la iibin karo.

Marka la eego dakhligii ugu dambeeyay ee kooxda, qiimaha Manchester United ayaa lagu qiyaasayaa inta u dhexeysa 5 bilyan ilaa 5.5 bilyan oo gini. Inkastoo Nicky Butt uu sheegay in qoyska Glazers ay kooxda ku qiimeeyaan 8 bilyan oo gini, haddana ma jirto cid xilligan diyaar u ah bixinta lacagtaas.

Saddex dhinac ayaa loo badinayaa inay iibsan karaan kooxda haddii suuqa la soo dhigo. Kooxda koowaad waa shirkadda INEOS ee uu leeyahay Sir Jim Ratcliffe, taas oo haatanba haysata ku dhowaad boqolkiiba 29 saamiga kooxda. Si kastaba, INEOS ayaa muddooyinkan dambe hoos u dhigaysay maalgelinteeda kubadda cagta, iyadoo iib u soo bandhigtay kooxaha Nice iyo Lausanne-Sport.

Kooxda labaad waa maalgashadayaasha Bariga Dhexe, sida Sheekh Jassim oo reer Qatar ah ama kooxo ka socda Sucuudiga, Baxrayn iyo Imaaraadka. Balse xiisadda siyaasadeed ee gobolkaas ka jirta iyo hoos u dhaca maalgashiga ciyaaraha ee Sucuudiga ayaa yaraynaya fursaddan.

Dookha saddexaad, oo ah kan ugu dhow, waa isbahaysi maalqabeenno Maraykan ah oo uu hoggaaminayo halyeeyga kooxda ee David Beckham, kaas oo taageero fagaare ah ka helay saaxiibkiisii hore ee Paul Scholes.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular