Yaa Go’aanka Ugu Dambeeya Ka Gaaray Mustaqbalka Carrick Ee Manchester United?

Milkiilaha kooxda Manchester United, Avram Glazer, ayaa la soo warramayaa inuu si buuxda u oggolaaday magacaabista Mauricio Pochettino si uu u noqdo tababaraha cusub ee kooxda, iyadoo heshiiskan haatan loo arko mid la soo gabagabeeyay.

Sida uu sheegay wariye Samuel Luckhurst, Glazer ayaa bixiyay nalka cagaaran si macallinkan reer Argentina uu u bdddelo Michael Carrick. Warkan ayaa imanaya xilli horey loo baahiyay in United ay heshiis hordhac ah la gaartay tababarihii hore ee Tottenham iyo Chelsea. Glazer ayaa la sheegay inuu go’aankan ku ansixiyay kulan dhanka khadka internet-ka ah oo dhacay Arbacadii.

Si kastaba ha ahaatee, Manchester United ayaa weli u baahan inay xalliso arrinta xiriirka kubadda cagta Mareykanka oo uu haatan Pochettino u shaqeeyo. Kooxda ayaa laga doonayaa inay bixiso lacag magdhow ah oo gaaraysa 7.4 milyan oo gini si ay uga soo furato qandaraaskiisa oo soconaya ilaa sanadka 2030.

Tababarahan 54 jirka ah ayaa loo diyaarinayaa inuu si rasmi ah ula wareego shaqada Carrick, kaas oo kooxdu ay ka fiirsanayso mustaqbalkiisa ka dib bilowgii aadka u xumaa ee xilli-ciyaareedkan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular