Xiddiga Manchester City iyo ku guuleystaha Ballon d’Or Rodri ayaa dib ugu soo laabtay tababarka shaqsiyeed, taasoo sare u qaadeysa fursadiisa inuu mar kale garoomada kusoo laabto xilli-ciyaareedkan, kadib dhaawacii ACL ee soo gaaray bishii September.
Laacibka khadka dhexe ee xulka Spain ayaa horey loo filayay inuu seegi doono inta ka dhiman xilli-ciyaareedka, kadib markii uu jilibka ka dhaawacmay ciyaartii ay City barbardhaca 2-2 la galeen Arsenal 22-kii September.
Si kastaba ha ahaatee, muuqaal ay City soo dhigtay baraha bulshada ayaa muujinaya Rodri oo dib ugu soo laabtay garoonka tababarka, iyadoo lagu lifaaqay qoraal ah “Wadadii soo kabashada.”
Rodri, oo ku guuleystay Ballon d’Or 2024 kadib markii uu Man City ku hoggaamiyay hanashada Premier League halka Spain uu ku hogaamiyay koobka Euro 2024, ayaa si weyn loo dareemay maqnaanshihiisa.
Iyadoo uusan xaadir ku aheyn khadka dhexe, Man City ayaa hoos u dhac ku yimid qaab ciyaareedkooda, waxayna haatan 20 dhibcood ka dambeeyaan Liverpool, oo hoggaanka u heysa Premier League. Sidoo kale, bishii hore ayay City ka hareen Champions League kadib markii ay Real Madrid ka cirib-tirtay tartanka.
Rodri wuxuu hore u sheegay inuu rajo ka qabo inuu kusoo laabto garoomada kahor bilaabashada Club World Cup, kaasoo u bilaabanaya Man City 18-ka June. Si kastaba ha ahaatee, tababaraha kooxda Pep Guardiola ayaa hore ugu digay in la dadajiyo soo kabashada xiddiga 28-jirka ah.