Tababaraha kooxda Chelsea, Xabi Alonso, ayaa u sheegay daafaca reer Faransiis ee Malo Gusto inuu raadsado koox cusub, maadaama uusan qayb ka ahayn qorshihiisa mustaqbalka, isagoo doonaya inuu kalsooni siiyo laba ciyaaryahan oo kale oo ka ciyaara booska daafaca midig.
Sida uu ku warramay wariye Simon Phillips, Alonso ayaa diyaar u ah inuu fasaxo Gusto inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee bisha Janaayo. Macallinkan reer Spain ayaa doorbidaya inuu mustaqbalka fog ku tiirsanaado Marco Palestra iyo Josh Acheampong, xilli kabtan Reece James uu garoomada ka maqan yahay tan iyo bishii Oktoobar ka dib qalliin looga sameeyay jilibka.
Gusto, oo 23 jir ah, ayaa xiiso weyn ka helaya kooxaha Liverpool iyo Manchester City. Tababaraha City, Enzo Maresca, ayaa doonaya inuu dib ula midoobo xiddigan ka dib markii ay horay uga soo wada shaqeeyeen Chelsea, halka Liverpool ay xagaagii hore wax ka weydiisay suurtagalnimada ay kula soo wareegi karto.
Sida ay qortay shabakadda TEAMtalk, maamulka Chelsea ayaa laga yaabaa inay ogolaadaan iibinta daafacan bisha Janaayo, ka dib markii ay xagaagii hore ku qiimeeyeen 75 milyan oo gini.