“Wuxuu Ahaa Khalad Cad” – Isak Oo Ka Falceliyay Rigooradii Laga Diiday Kulankii Arsenal

Weeraryahanka kooxda Liverpool, Alexander Isak, ayaa ka hadlay gool-ku-laadkii laga diiday kulankii ay guuldarada 1-0 ah kala kulmeen kooxda Arsenal.

Guddiga Qiimeynta Dhacdooyinka Muhiimka ah ee horyaalka Premier League ayaa go’aamiyay in garsoore Andy Madley iyo sarkaalka VAR Stuart Attwell ay ku qaldanaayeen inaysan ciqaabin daafaca Arsenal ee Jurrien Timber oo maaliyadda ka jiiday Isak.

Isagoo la hadlayay wargeyska Aftonbladet mar wax laga weydiiyay haddii uu dareemayo inuu xaq u lahaa rigoore, Isak ayaa yiri: “Haa, marka dib loo eego waxay u muuqataa sidaas, laakiin marka aad ku dhex jirto ciyaarta mar walba ma wada fahmi kartid waxa dhacaya.”

Xiddigan reer Sweden ayaa sheegay inuu dareemay in wax yar la jiidayo, balse diiraddiisa oo dhan ay saarnayd sidii uu gool u dhalin lahaa, isagoo xusay inay adag tahay in isku mar la isku dayo gool-dhalin iyo in dhulka lagu dhaco.

Ugu dambeyn, Isak ayaa ku adkeystay inaysan jirin baahi loo qabo in ciyaaryahanku uu si kas ah isugu tuuro dhulka ama uu buunbuuniyo qaladka, maadaama ay jirto aaladda VAR oo loogu talagalay inay qabato go’aannada muhiimka ah ee noocan oo kale ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular