“Wey Iga Weyn Tahay”:- Xiddig Portugal Ah Oo Diiday Inuu Xirto Funaanadda Lambarka 7-aad Ee Uu Ronaldo Ka Fariistay

Da’yarka xulka qaranka Portugal, Rodrigo Mora, ayaa iska diiday suurtagalnimada ah inuu la wareego funaanadda caanka ah ee lambarka 7-aad ee uu baneeyay Cristiano Ronaldo, isagoo cadeeyay inuu ku qanacsan yahay xirashada lambarkiisa haatan ee 86-aad.

Khadkan dhexe ee 19 jirka ah ee u ciyaara kooxda Porto ayaa dhowaan fursad u helay inuu qolka labiska la wadaago Ronaldo ka hor inta uusan halyeeygan ku dhawaaqin inuu ka fariistay ciyaaraha caalamiga ah. Mora oo u arka kabtankii hore ee Portugal dhiirrigeliye weyn ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay inuu garoon la galo mid ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn taariikhda kubadda cagta.

“Aad ayaan u nasiib badnaa inaan la ciyaaro Cristiano oo aan la wadaago qolka labiska, maadaama uu yahay qof ay cid walba ku dayato. Wuxuu ka fariistay kubadda cagta caalamiga ah, Portugal-na aad ayay ugu mahadcelinaysaa wax kasta oo uu u qabtay,” ayuu yiri Mora.

Markii la weydiiyay haddii uu xiisaynayo inuu xirto funaanadda lambarka 7-aad ee Ronaldo, da’yarkan ayaa si degdeg ah meesha uga saaray fikirkaas, isagoo xusay in funaanaddaas ay xambaarsan tahay miisaan aad u culus. “Maya, maya, maya, kama fikiro taas, aad ayay iiga culus tahay aniga, lambarka 86-aad ayaa igu habboon,” ayuu ku jawaabay.

Ronaldo ayaa xulka qaranka Portugal uga tagay dhaxal cajiib ah, isagoo noqday gool-dhaliyaha ugu sarreeya taariikhda dalkaas isla markaana u horseeday ku guuleysiga Koobka Qaramada Yurub (Euro 2016) iyo laba koob oo UEFA Nations League ah.

Dhanka kale, Mora ayaa loo arkaa mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee ugu mustaqbalkaalka fiican Portugal ka dib markii uu ka soo dallacay akadeemiyadda Porto oo uu boos ka helay kooxda koowaad, balse wuxuu doorbidayaa inuu dhiso magaciisa gaarka ah halkii uu dusha u ridan lahaa mas’uuliyadda culus ee lambarka 7-aad.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular