“Weligay Ma Arag Ciyaaryahan Sidiisa Oo Kale” – Rashford Oo Magacaabay Xiddiga Keliya Ee Ku Guuleysan Kara 7 Ballon d’Or Kadib Messi

Weeraryahanka kooxda Manchester United, Marcus Rashford, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay kooxdiisii hore ee Barcelona tan iyo markii uu ka soo tagay, isagoo ammaan ballaaran u jeediyay saaxiibkiisii hore Lamine Yamal mar uu su’aalo kaga jawaabayay garoonka Old Trafford.

Rashford oo ka hadlayay xirfadda laacibkan 19 jirka ah ayaa yiri: “Ka hor inta aanan ka tegin Barça, waxaan u sheegay inaan la soo ciyaaray ciyaartoy aad u xirfad badan, balse isagu uu dhammaantood ka sarreeyo.”

Xiddigan reer England ayaa Yamal barbardhigay Lionel Messi, isagoo xusay inuusan weligiis arag ciyaaryahan da’daas ah oo leh hibadaas oo kale. Wuxuu sheegay in Yamal uu yahay ciyaaryahanka ugu dhow ee gaari kara heerka Messi, uuna aaminsan yahay inuusan la yaabi doonin haddii uu mustaqbalka ku guuleysto toddoba abaalmarin oo Ballon d’Or ah.

Si kastaba, Rashford ayaa Messi ku tilmaamay mucjiso dhammaystiran oo aan inta la nool yahay la arki doonin cid la mid ah.

Dhanka kale, Rashford ayaa sheegay in saaxiibkiisa xulka England, Harry Kane, uu si buuxda uga qalmay abaalmarinta Ballon d’Or ee uu sanadkan ku guuleystay ka dib goolasha iyo caawinta tirada badan ee uu sameeyay, isagoo xaqiijiyay inuu fariin gaar ah ugu hambalyeeyay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular