Wayne Rooney ayaa magacaabay labo ciyaaryahan oo uu jeclaan lahaa in Manchester United ay sii haysato, isaga oo isla markaana qiray in “10-15 ciyaaryahan” ay tahay inay ka tagaan Old Trafford.
Xagaaga 2025 wuxuu u muuqdaa mid kale oo muhiim u ah Red Devils, iyadoo ay lagama maarmaan tahay in si sax ah loo maareeyo suuqa kala iibsiga. Waxaa horey u bilowday hadal-heyn badan oo ku saabsan ciyaartoyda imanaya iyo kuwa baxaya, maadaama Ruben Amorim uu doonayo inuu raadkiisa ku reebo kooxda uu kala wareegay Erik ten Hag.
Rooney wuxuu aaminsan yahay in dib u dhis weyn loo baahan yahay, maadaama ay jiraan ciyaartooy badan oo aan waxtar lahayn oo la iska fasixi karo. Weeraryahankii hore ee United, oo ah gooldhaliyaha ugu sarreeya taariikhda kooxda, wuxuu dareemayaa in kaliya dhowr ciyaaryahan ay u qalmaan mustaqbal fog oo ay kula sii joogaan kooxda.
Rooney – oo ka hadlayay Stick to Football podcast, oo ay bixisay Sky Bet – ayaa la weydiiyay haddii ay suurtagal tahay in kooxda haatan jirta ay kasoo kabatay xilli-ciyaareed aad u liitay 2024-25, wuxuuna ku jawaabay:
“Maya, ma filayo sidaas. Waxay u muuqdaan kuwo jahawareersan. Waxay u muuqdaan kuwo cabsan.”
“Bruno [Fernandes] waa kan kaliya ee wax soo saar leh, mararka qaar wuu kugu dhibayaa laakiin mar walba wax wuu sameynayaa. Kooxdu waxay u baahan tahay isbeddel weyn, waxaan filayaa in 10-15 ciyaaryahan ay tahay inay baxaan. Dabcan, taasi suurtagal ma aha, laakiin kooxdu waxaa heysta hal abuur la’aan, cidna mas’uuliyad ma qaadanayso.”
Wuxuu intaas ku daray, isagoo magacaabaya xiddigaha uu sii haysan lahaa:
“Waxaan haysan lahaa Bruno iyo [Kobbie] Mainoo. Waxaa jirta dhaqanka kooxda oo aad u daciif ah, waana mid sahlan in la guuldarreysto iyadoo ciyaartoydu ay markaas soo baxayaan iyagoo leh, ‘Waan u gudbaynaa kulanka xiga,’ iyo hadallo la mid ah. Waxaa la rabaa in la muujiyo dabeecad dagaal iyo naf hurid garoonka dhexdiisa.”
“Way xun tahay in la daawado, waa mid xanuun badan. In kasta oo aan ka soo jeedo Liverpool, haddana waxaan United la joogay sanado badan, waxaana doonayaa in kooxda ay fiicnaato. Carruurtayda ayaa ku jira akadeemiyada United, sidaas darteed aad bay ii dhibeysaa inaan arko heerka ay kooxda marayso.”