Kullan wacan aqristayaasheena sharafta badan, waxaan halkaan kusoo gudbin doonaa wararkii ugu dambeeyay wargeysyada iyo suuqa kala iibsiga ciyaartooyda maanta oo jimco ah.
Manchester United ayaa bartilmaameedsanaysa labada ciyaaryahan ee Benfica Kerem Akturkoglu iyo Orkun Kokcu, laakiin heshiis kasta oo ay labadan ku qadan karaan ayaa ka badnaan kara €70m. Tottenham Hotspur ayaa sidoo kale xiiseyneysa. (Caught Offside)
Arsenal iyo Manchester City ayaa ka mid ah kooxaha xiiseynaya ciyaaryahanka khadka dhexe ee Atalanta Charles de Ketelaere. (Caught Offside)
Tababaraha Brentford Thomas Frank ayaa loo arkaa inuu yahay musharax u taagan xilka Manchester United, waxaana uu fursad u heli doonaa inuu soo jiito masuuliyiinta INEOS marka ay labada kooxood ku kulmaan Premier League Sabtida. (Mail)
Labada bartilmaameed ee ugu sareeya Manchester City hadii uu baxo Pep Guardiola waa Ruben Amorim oo maamula Sporting CP iyo tababaraha Bayer Leverkusen Xabi Alonso. (Mail)
Barcelona ayaa xiiseyneysa Jonathan Tah, Alphonso Davies iyo Jonathan David – oo ah seddex ciyaaryahan oo bilaash lagu heli karo xagaaga soo aadan. (Mundo Deportivo)
Real Madrid ayaa jeclaan lahayd’ inay la soo wareegto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City Rodri, inkastoo qandaraas cusub ay u badan tahay inuu u saxiixo kooxda sideeda jeer ku guuleysatay Premier League. (GIVEMESPORT)
Goolhayaha Liverpool Alisson Becker ayaan wax xiiso ah u qabin in uu isaga tago kooxdiisa inkasta oo uu dhawaan ku soo biiray Reds goolhaye Giorgi Mamardashvili oo ka yimid kooxda Valencia. (Football Insider)
Chelsea ayaa u soo bandhigtay Atletico Madrid inay qaadato midkood Carney Chukwuemeka ama Benoit Badiashile, laakiin kooxda reer Spain oo kala soo wareegay Bules Conor Gallagher xagaagii ayaan wax xiiso ah u qabin labadan ciyaartoy. (El Nacional – Spain)
Barcelona ayaa xiiseyneysa saxiixa Chukwuemeka kaasoo sidoo kale xiiso ka helaya kooxda Serie A ka dhisan ee AC Milan. (Ekrem Konur)
Bartilmaameedka Bayern Munich Florian Wirtz ayaa laga yaabaa inuu baxo xagaaga, iyadoo maamulaha Bayer Leverkusen uu qirtay inuusan damaanad qaad u heysan sii joogista ciyaaryahanka (Fabrizio Romano)
Newcastle United iyo Aston Villa ayaa ka mid ah kooxaha xiisaynaya saxiixa xiddiga reer England ee Angel Gomes. (GIVEMESPORT)