Trent Alexander-Arnold inuu ku biirayo Real Madrid ayaa ah “sirtii ugu xumeyd ee la qariyay,” sida uu sheegay halyeyga Liverpool, Mark Lawrenson. Daafaca midig ee Liverpool ayaa qandaraaskiisu ku eg yahay dhamaadka xilli-ciyaareedkan, waxaana Lawrenson rumeysan yahay in Trent horeyba u go’aansaday inuu ku biiro Real Madrid.
Iyada oo qandaraaskiisa uu ku egyahay bisha Juun, Trent ayaa hakad geliyay wadahadallada heshiis cusub. hadal heynta ku saabsan in uu baxayo ayaa cirka isku shareertay. Laga bilaabo Janaayo 1, Alexander-Arnold wuxuu xor u noqon doonaa inuu heshiis hordhac ah la galo kooxaha dibadda, iyadoo Real Madrid ay diyaar u tahay inay lasoo wareegto.
Taageerayaasha Liverpool ayaa si macquul ah uga walwalsan inay lumiyaan ciyaaryahan kasoo jeeda West Derby oo soo maray nidaamka da’yarta kooxda. Si kastaba ha ahaatee, Lawrenson, oo xirtay funaanadda Liverpool 356 jeer intii lagu jiray sanadihii 1980-meeyadii, wuxuu rumeysan yahay in ilaalinta mustaqbalka Virgil van Dijk iyo Mohamed Salah ay tahay mudnaanta ugu weyn ee kooxda.
“Waan u maleynayaa in Trent uu si xor ah uga tagi doono kooxda. Waxaan u maleynayaa in dunidu ogtahay, waana sirtii ugu xumeyd ee la qariyay, in saaxiibkiis weyn (Jude Bellingham) uu u ciyaaro Real Madrid. Waa wiil caqli badan, si fiican loo barbaariyay. Wuxuu u jeesan karaa oo dhihi karaa, ‘waan iska aadayaa oo waxaan ka ciyaarayaa Spain.’ Sababtoo ah, maxaa diidaya?”