Waa xaalad kaliya ku dhacday Tottenham, waxaana iyadoo ku dhamaysatay kaalinta koowaad eehoryaalka Premier League ee da’yarta loo diiday in la siiyo koobka, iyadoo wali uu muran kaga jiro in iyaga la siin doono iyo in ay koox kale calfan doonto.
Tottenham oo koob ay ku guuleysato ay ugu dambaysay sannadkii 2008 oo ay qaadeen League Cup ama Carabao Cup oo finalka ay iskugu soo baxeen Chelsea, ayaa waxa horyaalka Premier League oo ay ku guuleystaan ugu dambaysay sannadkii 1961kii, waqtigaas oo horyaalka la odhan jiray Division One.
Xilli-ciyaareedkan, ayaa kooxda da’yarta ee Tottenham oo uu tababare u yahay Wayne Burnett, waxa 20 ciyaarood oo ay dheeleen ay ka urursadeen 46 dhibcood, iyagoo guuleystay 14 kulan laba kali ahna laga badiyey.
Horyaalka Premier League ee U21 oo ay ahayd inay ku guuleystaan mar haddii ay kaalinta koowaad ku dhamaysteen, ayaa waxa ay la kulmeen nasiib-darro ah in isbeddel lagu sameeyey sharciga oo sabab u noqday in ay wadnaha farta ku hayaan.
Xilli-ciyaareedkii hore, horyaalka Premier League 2 ama Premier League U21, waxa uu ka koobnaa 26 kooxood oo horyaalka ay ku guuleysanayso kooxda kaalinta koowaad ku dhamaysata, laakiin isbeddelka cusub ee la sameeyey ayaa sheegaya in isreeb-reeb toos ah oo laba-laba kooxood la iskugu beegayo ay soo maraan 16ka kooxood ee ugu dhibcaha sarreeya, taas oo ka dhigan in Tottenham ay waayi karto horyaalka ay dhamaysatay iyadoo hoggaanka haysa.
Tottenham ayaa waxa ay hadda isku dhaceen Aston Villa oo wareegga 16ka ay wada ciyaari doonaan, waxaana haddii ay soo gudbaan ay iman doonaan wareegga siddeedda, iyadoo finalka la ciyaari doono 24ka iyo 27ka May.
Horyaalka heerka labaad ee Premier League waxa xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysatay Manchester City.