Gabriel Jesus iyo Arsenal ayaa iska lumiyay fursad ay ku sii ahaan lahaayeen hogaanka Premier League kadib barbarihii ay dhawaan la galeen Manchester City, waxayna haatan ka dambeeyaan Liverpool.
Labo dhibcood ayaa u dhaxeysa Gunners (65 dhibcood) iyo Reds (67 dhibcood), iyadoo City ay sidoo kale ku jirto tartanka horyaalka (64 dhibcood).
Iyadoo sagaal ciyaarood ay ka harsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka, Gabriel Jesus ayaa kalsooni ku qaba fursada ay kooxdiisa u heysato inay ku guuleysato horyaalka, waxaana uu aaminsan yahay in wax walba ay mar kale isbedeli karaan.
“Waa Premier League, waa horyaal adag wax walbana waa dhici karaan. Labo dhibcood kaliya ayay Liverpool naga sareysaa, anaga ayaana ka fiican farqiga goolasha.” ayuu Gabriel Jesus yiri.
Gunners ayaa dooneysa inay wadada guusha ku soo laabato oo ay ka badiso Luton iyo Brighton oo ay la ciyaarayaan todobaadkan horyaalka Premier League si ay ugu sii jiraan tartanka horyaalka.
Ka dib labada kulan ee Luton iyo Brighton waxay la ciyaari doonaan Bayern Munich 9ka bisha April lugta hore ee wareega sideed dhamaadka Champions League.
Liverpool waxay iyadana la ciyaari doontaa Sheffield United Khamiista ka hor inta aysan Axada Old Trafford ku booqanin kooxda ay isneceb yihiin ee Manchester United.