Tababaraha kooxda kubadda cagta Liveprool ee Jurgen Klopp ayaa qirtay inuu ku dhowaaday inuu ilmada ceshan waayo oo uu ku dhax ooyo garoonka ka hor ciyaartiisa ugu dambaysa horyaalka Premier League iyo kooxdiisa Liverpool.
Jurgen Klopp oo bishii January shaaciyey inuu ka tegayo Liverpool oo uu nasasho muddo dheer ah ka geli doono shaqada tababarenimada ayaa maanta lagu macasalaamayn doonaa garoonka Anfield, iyadoo uu naadigiisa kaga tegi doono xasuuso waaweyn oo koobab ah oo uu u qaaday Champions League, Premier League, UEFA Super Cup, FIFA Club World Cup, FA Cup, FA Community Shield iyo laba Carabao Cups.
Ka hor ciyaarta maanta, ayuu Jurgen Klopp sheegay inuu ku dhowaaday inuu ooyo, waxaana arrintan sabab u ahaa ciyaartoy sameeyey arrin cajiib ahayd, waxaana isaga oo ka hadlaya uu yidhi: “Anigu naftayda waan garanayaa, waxa aan ahay qof shuruuc badan. Waqti yar oo kooban ayay shucuurtaydu kacday toddobaadkan. Waxay ahayd Khamiistii, ciyaartoyda ayaa wax cajiib ah noo sameeyey aniga iyo shaqaalaha kale ee tababarka ee tegaya, Virgil van Dijk ayaa sameeyey wax cajiib ah. Kaliya halkan kaftan sidii kaftan oo kale ayaan uga sheekaynayaa, laakiin halkaa (garoonka tababarka) waxa aan ku dhowaaday in aan ooyo.”