Weeraryahanka kooxda Manchester City, Erling Haaland, ayaa sheegay in kulanka Premier League ee ay toddobaadkan ay u safrayaan Arsenal uu noqon doono “kulanka ugu adag xilli-ciyaareedka.”
Ka dib 11 kulan oo la ciyaaray, Arsenal waxay lix dhibcood kaga sarreysaa City kala horreynta horyaalka. Kooxda tababare Mikel Arteta ayaa qaadi karta tallaabo weyn oo ay ku difaacanayso horyaalka haddii ay Axadda garoonka Emirates kaga badiso City.
Ka hor safarka Emirates, Haaland wuxuu saaxiibbadiis ka dalbaday inay soo bandhigaan ciyaar heer sare ah. “Waxaan u safraynaa kooxda horyaalka haysata, waana kulanka ugu adag xilli-ciyaareedka,” ayuu yiri Haaland. “Waxaan u baahannahay in mid kasta oo naga mid ah uu soo bandhigo ciyaar aad u fiican. Arsenal waxay ahayd kooxda ugu fiican sannadkii hore, waana mid ka mid ah kooxaha ugu fiican shantii sano ee u dambaysay.”