“Waa Isaga Cidda Fowdada Iyo Khaska Ku Wada Kooxda” :- Gerrard Oo Farta Ku Fiiqay Ciyaaryahanka Ka Shaqeynaya Burburka Manchester United

Halyeeyga Liverpool, Steven Gerrard, ayaa aaminsan in Lisandro Martinez uu si ula kac ah dhibaato uga dhex abuurayo Manchester United, si uu ugu qasbo kooxda inay iibiso bisha Janaayo.

Gerrard oo ka hadlayay barnaamijka The Overlap Daily ayaa sheegay in daafaca reer Argentina uu doonayo inuu si degdeg ah kooxda uga tago. Waxa uu sidoo kale qaab ciyaareedkiisii ugu dambeeyay ku tilmaamay mid aad u liita.

Martinez ayaa dhaleeceyn xooggan la kulmay kadib markii kaarka cas la siiyay kulankii ay United 2-0 kaga badisay Chelsea. Waxaa sidoo kale muran dhaliyay dhaleeceyn hore oo uu u jeediyay agaasimaha kubadda cagta kooxda, Jason Wilcox.

Gerrard ayaa ku eedeeyay Martinez inuu niyad-jab ku riday saaxiibbadiisa, kooxda iyo taageerayaasha, isagoo kaarka cas ee uu qaatay ku tilmaamay ficil danaysi ah.

“Waxa uu kooxda ka lumiyay dhibco, isagoo sidaas ku sameeyay tababare taageeray oo garab istaagay, una sameeyay wax kasta oo uu awooday,” ayuu yiri Gerrard.

Waxa uu intaas ku daray in dhaqanka ciyaartoyda qaarkood uu caqabad ku noqon karo isku dayga United ay natiijooyinkooda ku hagaajinayaan.

Si kastaba, Manchester United ayaa si cad u muujisay inay kalsooni ku qabto dadaalka iyo daacadnimada Martinez, inkastoo mustaqbalkiisa iyo anshaxiisa si weyn loo hadal hayo.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

RELATED ARTICLES

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular