Cristiano Ronaldo, oo weli firfircoon isla markaana heysta awooddii ciyaareed, ayaa loo arkaa inuu bixiyay “jawaabta ugu fiican ee dhaleeceeyayaasha” kadib markii uu labo gool oo kale dhaliyay, taasoo ka dhigtay inuu goolal kooban u jirsado 1,000 gool oo uu doonayo inuu gaaro inta aanuu hawlgab noqon.
Ronaldo oo 40 jir ah, waxaa si joogto ah la isweydiinayay muddo intee le’eg ayuu sii wadi karaa heer ciyaareedkan sare. Si kastaba, wuxuu weli ka yahay halyey xulka Portugal oo uu ka caawiyay iney gaaran semi-finalka UEFA Nations League, sidoo kalena waa gooldhaliye joogto ah oo Al-Nassr ah.
Kulankiisii ugu dambeeyay ee Saudi Pro League, Ronaldo ayaa labo gool ku dhaliyay ciyaartii derbiga ee ay la ciyaareen Al-Riyadh, taasoo keentay in kooxdiisa ay guul 2-1 ah gaarto. Goolashaasi waxay dhammaan yimaadeen qeybtii labaad, Ronaldo ayaana ciyaarta ka dhigay mid uu isaga xukumayo.
Ronaldo ayaa si weyn loogu xurmeeyaa Al-Nassr, waxaana tababare Stefano Pioli uu kamid yahay dadka ammaana xiddigan. Pioli ayaa kadib ciyaarta yiri:
“Cristiano Ronaldo ayaa naga caawiyay dhisidda kooxdan isagoo hogaamiye u ah kooxda. Ma hubo in aan si fiican uga hadli karo waxqabadkiisa, waxa aad aragtay maanta waa jawaabtiisii ugu fiicneyd ee dhaleeceynta.”
Ronaldo, oo xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 50 gool dhammaan tartamada uu ka qeyb galay, ayaa haatan maraya 32 gool 35 kulan gudahood xilli ciyaareedkan. Wuxuu weli taagan yahay go’aan kiisii ahaa inuu gaaro 1,000 gool guud ahaan xirfadiisa kahor inta uusan ka fariisan kubadda cagta.