Tababaraha Real Madrid, Carlo Ancelotti, ayaa muujiyay rajadiisa ku aaddan in kooxdiisu ay sameyn karto ‘remontada’ (soo laabasho) marka ay todobaadkan wajahaan Arsenal.
Ereyga ‘remontada’, oo asal ahaan ka yimid afka Isbaanishka, waxaa loola jeedaa soo laabasho mucjiso ah kadib markii looga awood roonaaday ciyaartii lugta koowaad. Ereygan ayaa si weyn caan u noqday markii Barcelona ay si la yaab leh 6-1 ugu garaacday PSG bishii Maarso 2017, kadib markii lugtii hore ee wareegga 16-ka ay PSG 4-0 uga badisay Barca – natiijo dad badani u arkayeen mid ciyaarta soo afjartay.
Laakiin, habeenkaas garoonka Camp Nou, Barcelona waxay qortay taariikh, iyagoo 6-1 ku xasuuqay kooxda reer France oo sidaas ku hartay, halka Barca ay kusoo baxday celcelis ahaan goolal ah 6-5.
Hadda Real Madrid ayaa wajahaysa xaalad la mid ah kadib markii toddobaadkii hore ay 3-0 guuldarro kala kulantay Arsenal garoonka Emirates Stadium, taasoo ah natiijo adag in laga soo laabto.
Real Madrid ayaan si buuxda uga dhaadhicin taageerayaasheeda tartanka Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay u baahdeen guul play-off ah oo ay ka heleen Manchester City si ay ugu soo baxaan wareegyada bug-baxa.
Si kastaba, Carlo Ancelotti oo la hadlayay saxaafadda Sabtidii (Abriil 12), sida laga soo xigtay warbaahinta Madrid Xtra, ayaa sheegay in kooxdiisu aysan ka quusan doonin fursadda ay uga hor imanayaan Arsenal.
“Remontada? Waan isku dayi doonaa. Waa dhacday marar badan. Waxaan dagaalami doonaa ilaa daqiiqadda ugu dambeysa,” ayuu yiri Ancelotti shir jaraa’id oo uu qabtay isbuucan.
Horyaalka LaLiga, Real Madrid waxay sidoo kale la halgamaysaa Barcelona oo horyaalka ku hoggaamineysa, iyadoo Los Blancos ay ku jiraan kaalinta labaad kaddib 30 kulan.
Kooxda Madrid ayaa durba labo jeer guuldarro kala kulantay Barcelona xilli ciyaareedkan, waxayna sidoo kale la ciyaari doonaan finalka Copa del Rey dhammaadka bishan.
Dhanka kale, Arsenal ayaa kaalinta labaad kaga jirta Premier League, iyadoo 11 dhibcood ka dambeysa hoggaanka Liverpool, iyadoo toddoba kulan oo kaliya ay ka harsan yihiin xilli ciyaareedka.