Kabtanka kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa lagu eedeeyay danaysi iyo inuu daafaca bidix ee Milos Kerkez ku cidleeyo garoonka dhexdiisa si uu naftiisa uga ilaaliyo in ceebtiisa la arko.
Liverpool ayaa xilli-ciyaareedkan la kulantay saddex guul-darro oo ka soo gaaray Manchester City (3-0), Arsenal (1-0) iyo Fenerbahce (3-2) oo daqiiqadihii u dambeeyay dhinaca kale u rogtay ciyaarta, halkaas oo ka muuqday dayac dhanka daafaca ah.
Tababarihii hore ee kooxaha Anderlecht iyo Gent, Hein Vanhaezebrouck, oo la hadlayay wargeyska Het Nieuwsblad ayaa tilmaamay in Club Brugge ay ka faa’iideysan karto dhibaatada daafaca ee Liverpool marka ay 25-ka bishan Nofeembar ku kulmaan Belgium.
Isagoo dhaliilaya kabtanka Reds ayuu yiri: “Qofka laga rabo inuu daboolo booska bannaanaada waa Virgil van Dijk, laakiin ma samaynayo. Ma rabo inuu halis u galo in ceebtiisa la arko, sidaas darteed daafaciisa bidix ayuu cidla uga tagaa si uu naftiisa u badbaadsado.”
Vanhaezebrouck ayaa sidoo kale kula taliyay Club Brugge inaysan oggolaan in gool looga hormaro. Wuxuu xusay in Liverpool ay ku difaacato xarriiq sare oo u fiican Brugge, balse haddii ay hoggaanka qabtaan sidii kulankii Brighton ay gadaal u gurtaan oo ay sugaan kooxda ka soo horjeeda.