Virgil van Dijk Oo Go’aan Lama Filaan Ah Ka Soo Saaray Mustaqbalkiisa Liverpool

Kabtanka kooxda Liverpool, Virgil van Dijk, ayaa xiiseynaya inuu u wareego kooxda Barcelona, isagoo ka codsaday wakiilladiisa inay wadahadallo la furaan maamulka kooxda reer Catalonia si loo sahmiyo suurtagalnimada uu ugu biiri karo.

Sida ay sheegayaan warbixinnadu, daafacan reer Holland ayaa ka fiirsanaya inuu hal ama laba xilli-ciyaareed oo uga haray xirfaddiisa ku qaato Barca. Joogitaanka Rodri ee Barcelona ayaa ah qodob muhiim ah oo ku dhiirrigelinaya Van Dijk inuu qaato go’aankan, balse wuxuu doorbidayaa inuu dhammaystiro wareegitaankaas marka uu dhaco qandaraaskiisa Liverpool.

Dhanka kale, maamulka Liverpool ayaan weli la furin Van Dijk wax wadahadal ah oo ku saabsan kordhinta heshiiskiisa oo ku eg xagaaga soo socda, taas oo albaabka u furaysa inuu si bilaash ah uga tago garoonka Anfield. Kooxaha AC Milan iyo Juventus ee dalka Talyaaniga ayaa iyaguna ka mid ah naadiyada doonaya saxiixa daafacan.

Arrintan ayaa sidoo kale saameyn ku yeelan karta xiriirka labada kooxood, maadaama Liverpool ay haysato dookh ay si rasmi ah ugula wareegi karto daafaca Barcelona ee Ronald Araújo adduun dhan 55 milyan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular