Virgil van Dijk Mise Alisson Becker? Carragher Oo Shaaciyay Xiddiga Ay U Badan Tahay Inuu Liverpool Ka Tagayo Xilli Ciyaareedka Dambe

Daaficii hore ee kooxda Liverpool, Jamie Carragher, ayaa aaminsan in maamulka Reds ay qandaraas cusub u soo bandhigi doonaan kabtankooda Virgil van Dijk, balse wuxuu shaki weyn ka muujiyay haddii kooxdu ay sii haysan doonto goolhaye Alisson Becker.

Qandaraaska Van Dijk ee kooxda Anfield ayaa ku eg dhammaadka xilli-ciyaareedkan, laakiin 35 jirkan u dhashay dalka Netherlands oo kooxda joogay tan iyo 2018-kii, ayaa weli ah lafdhabar uu ku tiirsan yahay tababare Andoni Iraola, isagoo saftay 15 kulan ololahan.

Horraantii bishan, Van Dijk ayaa ka gaabsaday inuu si cad uga hadlo mustaqbalkiisa, isagoo xusay inuusan dareemayn wax walwal ama degdeg ah, isla markaana uu ku faraxsan yahay waqtigiisa kooxda. Wuxuu intaas ku daray in haddii qandaraaskiisa la kordhiyo uu sii joogi doono, haddii kalena uu aadi doono meel kale, inkastoo uu toddobaadyadii u dambeeyay la tacaalayay jug yar oo dhanka jilibka ah.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka The Overlap, falaqeeyaha Sky Sports ee Carragher ayaa ku adkeystay inuu hubaal u arko in Van Dijk uu baaqi ku sii ahaan doono Liverpool, balse xaaladda goolhaye Alisson oo isaguna qandaraaskiisu dhacayo dhammaadka xilli-ciyaareedkan, ay tahay mid meelo badan laga eegi karo.

Liverpool ayaa xagaagii 2026 heshiis 30 milyan oo gini ah la gaartay kooxda Club Brugge si ay xagaaga soo socda ugala soo wareegto goolhayaha 18 jirka ah ee Lucca Brughmans, kaas oo xilli-ciyaareedkan amaah ku jooga naadiga reer Belgium.

Carragher ayaa tilmaamay in Liverpool ay ka fikiri karto dhaawacyada Alisson, imaatinka da’yarka ay ka soo iibsadeen Brugge, ama haddii ay Alisson sii haystaan muddo 12 bilood oo kale ah inta ay ka diyaarinayaan beddelkiisa mustaqbalka fog, taas oo ka dhigaysa mustaqbalka goolhayaha reer Brazil mid u baahan in isha lagu hayo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular