Victor Munoz Oo Ka Badbaaday Dhaawac Halis Ah, Balse Ma Ciyaari Doonaa Kulanka Axadda Ee Everton?

Sida uu qoray wargeyska Marca, garabka kooxda Liverpool ee Victor Munoz ayaa ka badbaaday dhaawac culus kulankii Champions League ee ay la ciyaareen Club Brugge.

Baaritaannadii horudhaca ahaa ayaa muujiyay in xiddigan ay kaliya jug culus ka soo gaartay jilibka ka dib markii ay isku dhaceen ciyaaryahan ka tirsan kooxda kale.

Waqtigaas waxaa laga cabsi qabay in Munoz uu soo gaaray dhaawac halis ah, waxaana xitaa garoonka la keenay sariirta lagu qaado ciyaartoyda dhaawacma, balse wuxuu ku guulaystay inuu lugihiisa garoonka kaga baxo.

Weli lama oga in Munoz uu taam u noqon doono inuu Axadda ciyaaro kulanka Merseyside derby ee ay Liverpool la leedahay Everton.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Most Popular

- Advertisment -

Most Popular