Manchester United ayaa la warinayaa inay qorsheyneyso heshiis is-weydaarsi ah si ay u hesho weeraryahanka Napoli, Victor Osimhen.
Kooxda Red Devils ayaa diyaar u ah inay bixiso €40m iyo weeraryahankooda Rasmus Højlund si ay u helaan xiddiga reer Nigeria.
Osimhen, oo xagaagii hore amaah ugu biiray kooxda horyaalka Turkiga ee Galatasaray, ayaa dib ugu laaban doona Napoli marka uu dhammaado xilli ciyaareedkan.
26-jirkan waxaa lagu heli karaa €75m xagaaga soo socda.
Sida laga soo xigtay Calciomercato.com, Manchester United ayaan dooneynin inay si toos ah u bixiso qiimaha Osimhen, balse waxay diyaarinayaan dalab gaaraya €40m oo lagu daray weeraryahankii hore ee Atalanta, Højlund.
Osimhen ayaa xilli ciyaareed cajiib ah la qaatay Napoli, isagoo dhaliyay 20 gool isla markaana caawiye ka noqday shan kale, 25 kulan oo uu saftay.