Trent Alexander-Arnold ayaa weerar ku qaaday kooxda ay Axada la ciyaarayaan ee Manchester City isagoo sheegay in koobabka Liverpool ay ka qiimo badan yihiin kuwa Manchester City.
Alexander-Arnold ayaa sii kiciyay xamaasada kulanka weyn ee Axada ee u dhaxeeya kooxaha ku tartamaya hanashada horyaalka. Liverpool ayaa aheyd kooxda kaliya ee ciriiri gelineysay Man City oo kubada cagta Ingariiska iska heysata muddo 10 sannadood ah.
Inkastoo City ay ku guuleysatay sannadihii ugu danbeeyay koobab ka badan kuwa Liverpool oo ay ku jirto seddexdii koob ee ay isku qaadeen xilli ciyaareedkii hore, hadana waxay dhaleeceyn kala kulmaan inay ku xadgudbeen sharciga dhaqaale wanaaga iyo garoonkooda Etihad uu mar walba faaruq yahay oo taageerayaasha aysan aheyn kuwa u xamaasadeysan sida kooxaha kale.
Alexander- Arnold ayaana tilmaamay in Man City ay dhaqaale ku gaartay guulaheeda halka Liverpool ay dadaal iyo taageerayaashooda oo garab taagan ku gaareen guulaha.
“Waa wax adag. Waxaad ka hortageysaa mashiin loo dhisay inuu badiyo – waa sida ugu sahlan ee lagu sharxi karo Man City” ayuu yiri daafaca midig.
“Marka aan dib u eego waayahaan aan ku jirno, inkastoo ay ku guuleysteen koobab ka badan kuweena islamarkaana ay inaga guulo badan yihiin hadana koobabkeena ayaa ka qiimo badan oo micno weyn inoogu fadhiya anaga iyo taageerayaasheena sababtoo ah xaaladaha dhaqaale ee labada kooxood.
“Sida ay labada kooxood u dhiseen kooxahooda iyo qaabka aan koobabka ugu guuleysanay ayaa ka dhigeysa inay koobabkeena micno weyn inoo leeyihiin.”
Hadalka Alexander-Arnold oo marka la soo koobo noqonaya in Man City ay iibsatay koobabka balse ay Liverpool u dagaalantay ayaa muran badan ka dhaliyay baraha bulshada.